WARBIXINTA GUUD EE NATIIJADA DOORA SHOOYINKA GOBOLKA BANAADIR DEGMADA WARTA-NABADDA.

introvertmustafa
1 Min Read

Degmada Warta-Nabadda ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 16,751, kuwaas oo 16,299 ay noqdeen codad ansax ah, halka 452 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.

Natiijada rasmiga ah waxay muujisay in ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helay codadka ugu badan (6,567), waxaana ku xigay Dib-u-Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq (3,306), Ramaas (2,047), Karaama (1,835), iyo SAAB (641). Ururrada kale ee siyaasadeedna waxay heleen codad kooban sida ku cad natiijada ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *