Urur siyaasadeedka Saab wuxuu doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ka helay 12 kursi, sida ku cad natiijada kama dambaysta ah ee ay shaacisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC). Doorashadan oo ka dhacday 16 degmo ayaa guud ahaan lagu tartamay 390 kursi, waxaana Saab uu noqday mid ka mid ah ururrada helay kuraas muuqda, taas oo muujinaysa taageero uu ka helay qaybo ka mid ah bulshada magaalada Muqdisho.