



Jalalaqsi, Gobolka Hiiraan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Daahfurka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kuwaasoo si rasmi ah u shaaciyay bilowga ololahan muhiimka ah.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha uu yahay tallaabo weyn oo lagu xaqiijinayo in shacabka deegaanka ay helaan fursad ay ku diiwaangeliyaan magacyadooda si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka dalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen in qorshayaal lagu fududeynayo nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay jiraan, si looga fogaado caqabadaha iyo dhibaatooyinka ka hor iman kara.
Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xusay in ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Jalalaqsi uu muhiimad gaar ah u leeyahay, maadaama ay tahay qeyb ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka doorashooyinka ee dalka, isla markaana looga golleeyahay in shacabka deegaanka ay helaan fursad siman oo ay ku diiwaangeliyaan si ay codkooda ugu dhiibtaan doorashooyinka.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ugu dambeyn ka codsaday dhammaan shacabka deegaanka in ay ka qeyb qaataan ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si looga fogaado in qof kasta oo xaq u leh codbixinta uu ku guuldareysto in uu ka qeyb qaato doorashooyinka soo socda.