MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY DASTUURKA CUSUB EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

dukandaran
2 Min Read

Muqdisho, Maarso 08, 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub, kaasoo ah tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada, sharciyadda, iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka, kadib ansixintii ka soo baxday Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay madasha saxiixa Dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamay in dhaqan galinta Dastuurka cusub ay noqon doonto mid saldhig u ah xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Maanta waxaa soo gabangaboobay safarkii dheer ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo muddo dheer socday. Baarlamaanka Federaalka ayaa dhawaan ansixiyey, waxaana Ilaaheey idankiis, maanta wixii ka dambeeya, waxaa noo billaabandoona dhaqan galintiisa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabadda saxiixa Dastuurka waxaa ka qeybgalay:

  • Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka
  • Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare
  • Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dib u eegista Dastuurka

Ka qeybgalayaashu waxay ku ammaanay dadaalka dheer iyo hufnaanta lagu soo dhisay dib u eegista Dastuurka, iyaga oo tilmaamay muhiimadda uu Dastuurka cusub u leeyahay xasiloonida, dowladnimada, iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo bulshada caalamka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta iyo ilaalinta Dastuurka cusub, si Soomaaliya u noqoto dal sharciyad iyo dimuqraadiyad ku dhisan.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *