Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo bilaabay Daabacaadda Kaararka Codbixinta iyo Diyaarinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada

dukandaran
2 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u daah furay wejiga labaad ee soo saarista iyo qaybinta kaararka codbixinta ee loogu talagalay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha oo kormeer ku tegay xarunta dhexe ee daabacaadda kaararka (Card Production Center), ayaa faahfaahin ka bixiyey horumarka laga sameeyey hannaanka doorashada qof iyo cod ah.

Qodobbada ugu muhiimsan ee hadalka Guddoomiyaha:

  • Dhammaystirka Diwaangelinta: Waxaa guul lagu soo gabagabeeyey diwaangelintii codbixiyayaasha ee 21 degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari. Hadda waxaa si toos ah u socota daabacaadda iyo qaybinta kaararka dadka la diwaangeliyey.
  • Dib u furista Diwaangelinta: Waxaa dib loo furi doonaa diwaangelinta magaalooyinka Baydhabo, Jowhar iyo Dhusamareeb, si dadka aan fursadda helin markii hore ay isu diwaangeliyaan ka dib markii la tashi lala sameeyey madaxda dowlad goboleedyada.
  • Ballaarinta Degmooyinka: Guddigu wuxuu qorsheynayaa in labada bilood ee soo socda lagu daro 12 degmo oo cusub oo ka tirsan Waqooyi Bari, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, taas oo tirada guud ee degmooyinka doorashada ka dhacayso ka dhigaysa 35 degmo.
  • Xilliga Doorashada: Insha’Allaah, ugu dambayn bisha Abriil 2026, waxaa lagu guda jiri doonaa maalmihii codeynta ee doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.
  • Isbeddellada Sharciga Doorashooyinka: Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isbeddelka ay ku sameynayaan sharciga, kaas oo fursad u siinaya ururrada siyaasadda inay ku tartamaan doorashooyinka heer dawlad goboleed iyo heer federaal si ay ugu dambayn ugu soo baxaan saddex xisbi qaran (National Parties).
  • Farriinta Ururrada Siyaasadda: Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ururrada siyaasadda inay isku diyaariyaan tartanka 60-ka maalmood ee soo socota, isagoo kula taliyey inay xafiisyo ka furtaan gobollada, diyaariyaanna murashaxiintooda iyo ololahooda doorasho.

Dalku wuxuu u jiheystay doorasho qof iyo cod ah. Waxaan u taagannahay inaan ummadda u dhoweyno inay codkooda ku dhiibtaan sanduuqa, sidii ka dhacday Gobolka Banaadir bishii December 25-keedii. Waa maalin weyn oo sharaf iyo qiimo leh, ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *