Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u diiday soo laabashada doorashada dadban

dukandaran
1 Min Read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad adag oo uu ka jeediyay magaalada Muqdisho wuxuu si cad ugu sheegay in dalku u gudbay nidaamka doorashada tooska ah ee qof iyo cod, isagoo meeshana ka saaray in marnaba dib loogu laaban doono nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in xilligii doorashada dadban ay dhammaatay, ayna tahay go’aan ay ku heshiiyeen dowlad goboleedyada dalka, isagoo xusay inaysan jirin cid laga aqbalayo inay ka hor timaaddo hannaankaas cusub ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.

​Isagoo sii hadlayay, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu si kulul u naqdiyay xubnaha ka tirsan siyaasiyiinta iyo madaxda ee hadda diidaya hannaankan, wuxuuna sheegay inay hayyaan caddeymo muujinaya in dadkaas ay markii hore qeyb ka ahaayeen heshiiskii lagu unkay doorashada tooska ah.

Wuxuu tilmaamay inay tahay wax lala yaabo in qof heshiis hore u galay uu hadda dib uga laabto isagoo dalbanaya doorasho dadban, isagoo si cad u sheegay inaan loo huri doonin waqti dib u laabasho ah, balse horey loo socon doono si kasta oo ay u dhacaan doodaha ka dhasha go’aankan.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *