Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) wuxuu horey u iclaamiyay in 18-ka May 2026 ay qabsoomi doonto Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hase yeeshee, Guddigu wuxuu shacabka Soomaaliyeed, Ururada Siyaasadda, Xubnihii la doortay iyo bahda warbaahinta la wadaagayaa in weli la sugayo Go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo leh awoodda ansixinta natiijooyinka doorashooyinka uu Guddigu ku dhawaaqo, si waafaqsan Qodobka 7aad, Faqradiisa 1aad, Xarafkiisa (f) ee Sharciga Doorashooyinka.
Marka uu Guddigu helo jawaabta Maxkamadda Sare, GMDQS wuxuu diyaar u yahay fulinta waajibaadka ku xusan Qodobka 67aad, Faqradiisa 2aad ee Sharciga Doorashooyinka, gaar ahaan iclaaminta jadwalka dhaarinta xubnaha la doortay iyo sii guda galidda howlaha Doorashooyinka Guddoonka Golaha iyo Hoggaamiyaha, si waafaqsan jadwalkii horey Guddigu u shaaciyay.
Ugu dambeyntii, GMDQS wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga, hufnaanta iyo dhammeystirka habraacyada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.