Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo kulan la qaatay Ururrada Bushada Rayidka.
Muqdisho, 23, July, 2025: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xarunta dhexe ee Guddiga kulan kula qaatay xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah.
Xubnaha ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ayaa waxaa hogaaminaayey Gudoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Ismaan Shaatax.
Gudoomiyaga Guddi hoosaadka howlgalka doorashooyinka mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi ayaa sharaxaad ka siiyey xubnaha Ururrada Bulshada Rayidka howlgalka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo halka ay marayaan.
Xubnaha Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta dhexe ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo ay ka socoto dardargelinta howlaha doorashooyinka.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ugu mahadceliyey doorkooda ku aaddan arimaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha asigoona sheegay in guddiga uu la shaqayn doona cidkasta oo gacan ka gaysanaysa in dalka laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah.
… Dhammaad…
Waxii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Omar Mohamed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha


