GUDDIGA NIEBC OO SHAACIYAY LIISKA CUSUB EE MURASHAXIINTA GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA KOONFUR GALBEED

dukandaran
1 Min Read

Ayadoo la raacayo jadwalka guud ee doorashooyinka ee uu deejiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaa maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah shahaadooyinka murashaxnimo loogu guddoonsiiyay murashaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa.

Guddigu wuxuu xaqiijiyey in habraaca qabashada araajida loo fuliyey si furan oo waafaqsan mabaadi’da hufnaanta iyo cadaaladda. Hoos ka eeg liiska rasmiga ah ee murashaxiinta u taagan hoggaanka golaha iyo ururrada siyaasadda ee ay ka sharraxan yihiin:

1. Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

  • Mahad Maxamed Sheekh Xasan – Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)
  • Cabdixakiin Maxamuud Fiqi – Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran (NPU)

2. Murashaxiinta Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad

  • Aadan Xasan Maxamed – Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)
  • Cabdirisaaq Xuseen Aadan – Ururka Karaama

3. Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad

  • Shamso Maxamed Yarow – Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)
  • Axlaam Cumar Maxamed – Ururka Karaama

Sida uu dhigayo jadwalka doorashada, murashaxiinta kor ku xusan waxay u gudbi doonaan marxaladda hadal jeedinta, ayadoo ka dibna ay mudaneyaalda Golaha Wakiillada u codayn doonaan doorashada Guddoonka rasmiga ah.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *