Soohdimaha oo kulan la qaatay Wafdi ka Socday Hay’adda Folke Bernadotte Academy (FBA)
Muqdisho, 23,July, 2025: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee guddiga wafdi ka socday Haya’adda Folke Bernadotte Academy (FBA).
Kullanka ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray iskaashiga Arrimaha Dimuqraadiyada iyo doorashooyinka dadwaynaha ee dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo dalka.
Wafdiga ka socday Haya’adda FBA ayaa guddiga ku ammaanay howlaha u qabsoomay muddadii gaabnayd ee uu dhisnaa guddiga, iyaga oo guddiga ku booriyey in la dardargeliyo arimaha doorashooyinka dadwaynaha si loo helo Xasilooni siyaasadeed oo waarta.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Abdikarim Ahmed Hassan ayaa wafdiga sharaxaad ka siiyey howlihii u qabsoomay muddadii uu jiray guddiga, asigoona ugu mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta dhexe ee guddiga.
… Dhammaad…
Waxii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha


