aar ka mid ah goobaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobalka Banaadir.
Muqdisho, 14, Augost, 2025:- Maareeyaha Haya’adda dhowrista xogta Soomaaliyeed mudane Maxamed Nuur Cali oo ay wehlinayeen madaxda sare ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kormeeray qaar ka mid ah goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir.
Inta uu kormeerka ku jiray maareeyaha ayaa waxa uu u kuur galay Hanaanka u hogaansanaanta iyo dhaqangelinta Sharciga Dhowrista iyo ilaalinta xogta shaqsiyaadka ee ku saabsan arimaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Maareeyaha iyo saraakiisha Hey”adda Dhowrista Xogta ayaa sheegay in Hanaanka Diiwaangelinta Codbixyaasha ee qaadista xogta iyo keydinteedaba ay yihiin kuwoo waafaqsan Sharci LR 005 ee soobaxay 20 Maarso 2023. ee Sharciga Dhowrista Xogta ee JFS iyo halbeega Caalamiga ah ee Dhowrista Xogta.
Maareeyaha oo kormeerka kadib iska diiwaangeliyey Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ku ammaanay kaydinta iyo dhowrista xogta shaqsiyaadka, asigoona sheegay in guddiga muddo kooban ay ku hirgaliyeen howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo in muddo ah ay u baahi qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Abdikarim Ahmed Hassan ayaa maareeyaha ugu mahadceliyey kormeerka uu ku tagay goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, una sheegay in guddiga ay ka go’antahay u hogaansanaanta iyo dhaqangelinta Xeerarka Doorashooyinka Dalka ee iyo Sharciga Dhowrista Xogta ee JFS ee keydinta iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
… Dhammaad…
Waxii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Guddig


