QIIMO QARAN.
Ururu Siyaasadeedka Qiimo Qaran waxa uu ka mid yahay ururada u diiwaangashan guddiga madaxa banan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waa ururada ka qaybgalay doorashada golaha deegaanka ee magaalada Muqdisho ka qabsoontay 25 December ee sanadkii tagay.
dagmooyinka Halwadaag iyo Hodan ayuu aad uga ololeeyay in kastoo 1 kursi uu ku soo baxay, isagoo Dagmada Hodan ka helay 1 kursi waxaana ku soo baxay Maxamed Salad Cilmi.