
Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u soo saaray xogta dhammaystiran ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Diiwaangelintan oo ka dhacday 13 degmo iyo 91 xarumood, ayaa loo maray habraacyada waafaqsan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Wadarta guud ee dadka is diiwaangeliyey waa 376,212 codbixiye. Marka loo kala saaro qaybaha bulshada, xogtu waxay u dhigan tahay sidatan:
- Haweenka: 211,496 (56%) – Waa tirada ugu badan ee is diiwaangelisay.
- Ragga: 164,716 (44%)
- Dadka Baahiyaha Gaarka ah: 4,781 (1.27%)
GMDQS wuxuu mahadcelin ballaaran u jeediyey:
- Shacabka Soomaaliyeed iyo maamulka Koonfur Galbeed.
- Ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah.
- Ciidamada amniga oo xaqiijiyey nabadgelyada goobaha diiwaangelinta.
GMDQS wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay qabashada doorashooyin hufan, xor iyo xalaal ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.