JSP ayaa noqday xisbiga haysta kuraasta ugu badan ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

dukandaran
1 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Urur Siyaasadeedka JSP ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Golaha kadib markii uu helay 51 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Wakiillada KGS.

Sidoo kale Ururka NPU ayaa helay 14 kursi, halka Ururka Karaama uu helay 11 kursi, Ururka Sincad na uu kasoo baxay 6 kursi.

Natiijadan ayaa ka dhigeysa JSP ururka ugu awoodda badan Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay bilaabmaan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan hoggaanka cusub ee maamulka koofurgalbeed.

Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayay, maadaama ay kusoo aadeyso xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed iyo dood ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *