Guddiga Doorashooyinka oo ku dhowaaqay in la soo gabagabeeyey Tirinta Codadka Koofur Galbeed

dukandaran
2 Min Read

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa soo saaray war saxaafadeed muhiim ah oo ku saabsan horumarka laga gaaray tirinta iyo hubinta natiijada doorashooyinka ka dhacay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa xaqiijiyey in dhammaan howlaha tirinta codadka ay si guul leh u soo dhammaadeen, isagoo xusay in:

  • Si waafaqsan Qodobka 61-aad ee Sharciga Doorashooyinka, codbixintu waxay ku soo dhammaatay xilligii loogu talagalay.
  • Saaka 06:00 subaxnimo waxaa xafiisyada degmooyinka lagu wareejiyey dhammaan agabkii doorashada iyo sanduuqyada codadka, si waafaqsan Qodobka 65-aad.

Guddigu wuxuu haatan ku guda jiraa hubinta iyo is waafajinta natiijooyinka ka soo xarooday goobaha codbixinta si waafaqsan (Qodobka 66-aad).

Waxaa la filayaa in Natiijada hordhaca ah ee Doorashada Koofur Galbeed lagu dhowaaqo muddo 24 saac gudahood ah, laga bilaabo marka ay soo dhammaato isu-geynta rasmiga ah.

Guddigu wuxuu si adag uga digay in la baahiyo natiijooyin aan rasmi ahayn. Cidda kaliya ee awoodda sharci u leh ku dhowaaqista natiijada waa Guddiga Doorashooyinka. Cid kasta oo baahisa warar khaldan waxay wajihi doontaa tallaabo sharci ah.

Waxaa jira xogta sheegaysa in ururrada siyaasadda qaarkood ay olole ka sameeyeen agagaarka goobaha codbixinta maalintii doorashada, taas oo ka hor imanaysa xeerarka anshaxa. Guddigu wuxuu ballan-qaaday baaritaan dhab ah, iyadoo ciqaabtu ay gaari karto Ganaax Lacageed.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *