Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09 May 2026, soo saaray war saxaafadeed muhiim ah oo lagu qeexayo hannaanka codeynta doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (KGS). Go’aankan ayaa yimid ka dib wadatashiyo lala yeeshay ururrada siyaasadda iyo tixgelinta xaaladaha gaarka ah ee ka jira deegaannada qaar.
Si loo hubiyo in muwaadin kasta oo is diiwaangeliyey uusan waayin xuquuqdiisa codbixineed, Guddigu wuxuu go’aamiyey in codbixiyayaasha ku jira liiska kama dambeysta ah ay codkooda ku dhiiban karaan labada midkood:
- Kaarka Codbixiyaha ee rasmiga ah.
- Warqadda Diiwaangelinta Codbixiyaha ee rasmiga ah (haddii uusan kaarku gacanta ugu jirin).
GMDQS waxay fartay dhammaan shaqaalaha ka shaqaynaya goobaha codbixinta inay u hoggaansamaan hab raacyada amniga iyo hufnaanta, oo ay kimid yihiin:
- Xaqiijinta aqoonsiga codbixiyaha iyo hubinta magaca ku qoran liiska.
- Adeegsiga farsamooyinka looga hortago codbixinta laba jeer ah.
- In qof kasta oo codeeyey loo mariyo khadka aan tirmayn.
- Diiwaangelinta iyo u gudbinta hay’adaha amniga wixii falal musuq ama isku day codbixinta sharci darro ah.
Guddigu wuxuu si adag uga digay isku day kasta oo lala xiriiriyo codbixinta sharci darrada ah, sida codeynta laba jeer ah, adeegsiga dukumentiyo been abuur ah, ama ku codeynta magaca qof kale. Qof kasta oo lagu helo falalkaas waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo shuruucda doorashooyinka.
Ugu dambeyntii, GMDQS waxay ugu baaqday ururrada siyaasadda inay taageerayaashooda ku wacyigeliyaan u hoggaansanka sharciga, iyadoo guddigu mar kale ballan-qaaday qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waafaqsan mabaadi’da dimuqraadiyadda.