Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hiigsanaysa weji cusub oo ku aaddan hannaanka maamulka dalka iyo xasilloonida hay’adaha dastuuriga ah, kadib markii la xaqiijiyey in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku egyahay 15-ka May 2027.
Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu qaabeynayo hannaanka doorashooyinka iyo xoojinta maamulka dalka, si loo helo waqti ku filan oo lagu dhammaystiro mashaariicda qaranka iyo dhismaha hay’adaha dawladnimada.
Tallaabadan ayaa loo arkaa fursad lagu xoojinayo wada-tashiyada siyaasadeed iyo dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyeynta dalka.
Dhinacyada kala duwan ee siyaasadda ayaa diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa wada hadallada ku aaddan mustaqbalka doorashooyinka, iyadoo la raadinayo hanaan midaysan oo horseeda horumar waara iyo dhowrista sharciga dalka.