Shaacinta Liiska Xubnaha ku Guulaystay Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS)

dukandaran
1 Min Read
Screenshot

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku aaddan maamulidda iyo hufnaanta doorashooyinka dalka, oo si rasmiga ah u soo saaray liiska xubnaha ku guulaystay doorashadii isku sidkanayd ee ka dhacday Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigu wuxuu caddeynayaa in shaacintan ay timid ka dib markii Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si waafaqsan sharciga u ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashadaas.

Hannaanka doorashada waxaa ku soo baxay 92 xildhibaan oo matali doona Golaha Wakiillada cusub ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka kala tirsan ururada siyaasadda ee ka rasmiga ah deegaanka. Sidoo kale, Guddigu wuxuu ogeysiinayaa ururada siyaasadda ay khuseyso in saddexda kursi (3) ee dhiman loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhammaystiro xubnahooda si liiska loo xiro.

Guddiga NIEBC wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan xildhibaanada cusub ee loo igmaday mas’uuliyaddan qaran, wuxuuna u rajaynayaa in ay waajibaadkooda u gutaan si daacad ah oo u adeegaysa shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.

Liiska rasmiga ah ee magacyada xildhibaanada iyo ururadii ay ku soo baxeen waxaa si buuxda looga heli karaa barta internetka ee qofiyocod iyo dhammaan baraha rasmiga ah ee warbaahinta.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *