Shaacinta Liiska Saddexda (3) Xubnood ee Ka Haray Xubnaha Ku Guulaystay Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

dukandaran
1 Min Read
Screenshot

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS/NIEBC), isagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah iyo sharciyada geeddi socodka doorashooyinka, wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa magacyada saddexda (3) xubnood ee ku guulaystay kuraasta dhimmanayd ee Golaha Wakiillada doorashadii isku sidkanayd ee ka dhacday Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya 10 May 2026.

GMDQS oo horay u shaaciyay 92 xubnood ee Golaha Wakiillada ah, sida ku cad war saxaafadeedkii Tix: GMDQS/XG/365/05/2026 ee ku taariikhaysnaa 25 May 2026, ayaa sheegay in shaacintan ay tahay dhammaystirkii saddexda (3) xubnood ee dhimmanaa, taasi oo tirada guud ee Golaha Wakiillada ka dhigaysa 95 xubnood.

XOGTA XUBNAHA CUSUB EE LAGU DHAMMAYSTIRAY GOLAHA WAKIILLADA KGS

TIXMAGACA XILDHIBIANKA GWJINSIGAMAGACA URUR SIYAASADEEDKA
GWKG-93CABDULAAHI MAXAMED XAAMUD CABDILABKARAAMA
GWKG-94MAXAMED ARMO MAXAMED QOOSHOOWLABWAABERI
GWKG-95MAXAMED ISMAACIIL ILMOOGELABTOWFIIQ

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *