Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu si rasmi ah u soo saaray jadwalka cusub ee doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigu wuxuu caddeeyey in isbeddelkan loo sameeyey si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, xalaal ah, kuna dhisan hufnaan iyo cadaalad. Jadwalka rasmiga ah wuxuu u qabsanayaa sidatan:
1. Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada KGS
- 2 – 3 June (2 Maalmood): Qabashada araajida iyo shaacinta liiska musharixiinta Guddoomiyaha iyo Ku xigeenada.
- 4 June (1 Maalin): Hadal jeedinta musharixiinta iyo cod bixinta doorashada Guddoonka.
2. Doorashada Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka KGS
- 5 – 6 June (2 Maalmood): Qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka Hoggaamiyaha.
- 7 June (1 Maalin): Shaacinta liiska rasmiga ah ee musharixiinta xilka u tartamaya.
- 8 June (1 Maalin): Hadal jeedinta musharixiinta horay u soo baxay.
- 10 June (1 Maalin): Qabsoomidda doorashada kama dambaysta ah ee Hoggaamiyaha KGS.
Guddiga NIEBC wuxuu fareysaa dhammaan mudaneyaalda Golaha Wakiillada iyo daneeyayaasha siyaasadda inay si buuxda u raacaan hab-raacan dhowrista waqtiga u astaysan.