XUBNAHA CUSUB EE GOLAHA WAKIILLADA KOONFUR GALBEED OO LAGU DHAARIYEY MAGAALADA BAYDHABO

dukandaran
2 Min Read

Ayadoo la raacayo jadwalka guud ee doorashooyinka ee uu horay u soo saaray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC), waxaa maanta oo taariikhdu tahay 30 May magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed si rasmi ah loogu dhaariyey xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadda dhaarinta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga NIEBC, hoggaanka dhaqanka, iyo marti sharaf kale oo caalami ah iyo kuwo maxalli ah. Xildhibaanada cusub ee la dhaariyey ayaa si rasmi ah u qaatay mas’uuliyadda matalaadda shacabka deegaanka xilli uu maanta si toos ah u billowday muddo xileedkooda dastuuriga ah.

Dhaarinta ka dib, Golaha Wakiillada ee cusub ayaa si degdeg ah u guda gali doona u diyaar garowga doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taasi oo loo mudeeyey in ay qabsoonto maalmaha soo socda sida ay u kala horreeyaan, si loo dhammaystiro hannaanka dhismaha hay’adaha dowladda ee deegaanka.

Guddiga NIEBC wuxuu u rajaynayaa xildhibaanada cusub ee la dhaariyey gudashada waajibaad qaran oo guul iyo horumar u horseeda guud ahaan deegaanka iyo bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *