GUDDIGA NIEBC OO TABABAR UGA FURAY XILDHIBAANNADA CUSUB EE KOONFUR GALBEED MAGAALADA BAYDHABO

dukandaran
1 Min Read

Ayadoo la raacayo qorshaha diyaar garowga iyo dhismaha garaadka xildhibaannada cusub ee la dhaariyey, Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga furay tababar aqoon kororsi ah oo loo fidinayo xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarkan oo socon doona muddo kooban ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa habraacyada doorashooyinka iyo sharciyada baarlamaanka, si mudaneyaasha cusub loogu diyaariyo guda galka doorashooyinka masiiriga ah ee Guddoonka Golaha iyo Hoggaamiyaha KGS ee ku xusan jadwalka rasmiga ah ee guddiga.

Munaasabadda furitaanka tababarkan waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, mudane Saadiq Abshir Garaad, isagoo xildhibaannada ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iideystaan casharrada la bixinayo si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, xalaal ah, kuna dhisan hufnaan iyo cadaalad.

Guddiga NIEBC wuxuu xoogga saarayaa in tababarkan uu qeyb ka yahay fududaynta iyo habaynta hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka socda magaalada Baydhabo, si loo gaaro dhismaho hay’adeed oo dhammaystiran.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *