Soohdimaha oo shaaciyey Liiska ku meel gaarka ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir.
Muqdisho, 19, Oktoobar, 2025:- Munaasabad lagu qabtay Xarunta dhexe ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu shaaciyey liiska ku meel gaarka ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda sare ee Guddiga oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda Ururrada Siyaasadeed ee dalka, Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, Ururrada Bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiin kale.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay tirada guud ee dadweynihii is-diiwaangeliyey intii ay socotay diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir, kuwaas oo gaaraya 923,220 (sagaal boqol, saddex iyo labaatan kun, laba boqol iyo labaatan) qof.
Guddoomiyaha Guddiga Mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in 30-ka November gobolka Banaadir ay ka dhici doonto doorasho dimuquraadi ah oo ay shacabka gobolka Banaadir codkooda dhiiban doonaan iyagoo dooranaya golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.




