




Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdi Kariim Axmed Xasan, oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayay sugidda amniga doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid heerkiisu sarreeyo, waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Guddiga, saraakiisha sar-sare ee laamaha amniga, iyo khubaro dhanka amniga doorashooyinka ah.
- In la diyaariyo ciidamo gaar ah oo loo tababaray ilaalinta goobaha cod bixinta iyo xarumaha guddiga.
- Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Guddiga Doorashooyinka iyo ciidamada amniga ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
- Hubinta in doorashadu ay ku qabsoonto jawi deggan oo ka fog faragelin iyo qalalaaso, si kalsooni loogu qabo natiijada ka dhalata.
Guddoomiye Cabdi Kariim ayaa intii uu kulanku socday hoosta ka xariiqay in amnigu yahay lafdhabarta geedi-socodka doorasho kasta, isagoo ku baaqay in feejignaan dheeraad ah la muujiyo muddada lagu guda jiro diyaar-garowga iyo maalmaha doorashada.