


Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshaha Guddiga ee lagu dhisayo cudud farsamo oo aqoon iyo xirfad u leh hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan maamulidda goobaha codbixinta, hubinta hufnaanta codka muwaadinka, iyo adeegsiga agabka doorashada.
Guddigu wuxuu tilmaamay in tababarka diiradda lagu saarayo qodobbada soo socda:
- In howl wadeennadu si qoto dheer u bartaan hab raacyada rasmiga ah ee qabashada, tirinta, iyo diiwaangelinta codadka.
- Xaqiijinta in howl wadeen kasta uu u shaqeeyo si dhex dhexaad ah, isagoo dhowraya sharciga doorashooyinka iyo kalsoonida codbixiyaha.
- In muwaadiniinta degmada Diinsoor loo abuuro jawi habaysan oo ay si kalsooni iyo nabadgelyo leh ugu dhiiban karaan codkooda.
Tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay GMDQS uga go’an tahay in hannaanka doorashooyinka tooska ah ee “Qof iyo Cod” uu si siman u gaaro degmooyinka gobolka Bay, si loo xaqiijiyo in dadka deegaanku ay doortaan wakiillada ay ku kalsoonaan karaan.