Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan oo ka Qayb galay Dhaarinta Howl wadeennada Doorashooyinka Baydhabo

dukandaran
2 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ka qayb galay munaasabad weyn oo lagu soo xirayay tababarka, isla markaana lagu dhaarinayay howl wadeennada maamuli doona doorashooyinka ka dhici doona magaalada Baydhabo.

Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa guddoomiyaha ku wehelinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga, Mudane Xuseen Nuunow Cali.

Howl wadeennada la dhaariyay ayaa ah kuwii dhowaanahan qaatay tababarka aqoon kororsiga ah ee la xiriira maamulidda codbixinta iyo farsamada doorashooyinka. Dhaarinta ka dib, howl wadeennadan ayaa si rasmi ah u qaatay mas’uuliyadda qaran ee ah inay xaqiijiyaan doorasho hufan, xalaal ah, laguna kalsoonaan karo oo ka dhacda magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan oo la hadlayay howl wadeennada ayaa carrabka ku adkeeyay:

  • In la ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo caddaaladda inta ay socoto hawsha doorashada.
  • In si adag loogu dhaqmo hab raacyada iyo shuruucda u degsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
  • In loo adeego muwaadiniinta doonaya inay codkooda dhiibtaan si hufan oo xushmad leh.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in GMDQS ay hadda gebogebo u tahay u diyaar garowga doorashooyinka taariikhiga ah ee “Qof iyo Cod” ah ee lagu wado inay ka dhacaan Koonfur Galbee Soomaaliya, iyadoo la diyaariyay cududdii farsamo ee u xilsaarneyd fulinta hawshaas.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *