Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah furay goobaha codbixinta ee doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Munaasabadda daah furka oo ka dhacday xarunta Dugsiga Baydhabo, waxaa Guddoomiyaha ku wehliyey Guddoomiye Ku xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga. Mas’uuliyiinta ayaa indha indheeyey habka ay u socoto codbixintu, iyadoo shacabka deegaanku ay safaf dhaadheer ugu jireen gudashada xuquuqdooda dastuuriga ah.
Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan oo kormeerayay habka farsamo ee goobaha codbixinta ayaa bogaadiyey nidaamka iyo habaynta ka jirta xarumaha. Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyey in bilowga codbixintu ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay nidaamka doorashooyinka dalka, isagoo xusay in geeddi-socodkani uu daba socdo dadaallo is-daba-joog ah oo guddigu ku bixiyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta.
Codbixinta maanta bilaabatay waxay daba-socotaa xogtii u dambeysay ee GMDQS uu shaaciyey, taas oo ka kooban:
- Codbixiyeyaasha: 376,212 qof oo ka diiwaangashan 13 degmo.
- Musharaxiinta: 394 musharax oo u tartamaya Golaha Wakiilada iyo 1,297 musharax oo u tartamaya Golaha Deegaanka.
- Ururrada: 15 ilaa 18 Urur Siyaasadeed oo ku lamiyeysan tartankan dimuqraadiyadeed.
Guddigu wuxuu xaqiijiyey in dhammaan xarumaha codbixinta ee 13-ka degmo ay si isku mid ah uga bilaabatay shaqadu, iyadoo ay jiraan goob joogayaal ka socda bulshada rayidka ah iyo ururrada siyaasadda si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada. Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sugaya nabadgelyada guud ee goobaha ay codbixintu ka socoto.
GMDQS wuxuu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta is diiwaangeliyey inay si nabdoon u yimaadaan goobaha codbixinta si ay u doortaan hoggaanka matali doona mudada afarta sano ee soo socota.