Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo kor Meeray Qaar ka mid ah Xarumaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir.
Muqdisho, 16, July, 2025: Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Abdikarim Ahmed Hassan ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, kormeerka gudoomiyaha ayaa daarnaa dardargelinta howlaha diiwaangelinta iyo adkeynta xorriyadda diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Afhayeenka Guddiga Mudane Abdifatah Faisal Hussein iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Guddiga ayaa kormeerka ku wehlinaayey Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha oo kormeeray xarumaha diiwaangelinta codbxiyeyaasha ee Degnooyinka Hodan, Howl-Wadaag, iyo Kaaraan ayaa u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Intii uu kormeerka socday waxa si rasmi ah loo faray howlwadeennada xarumaha diiwaangelinta in aan ladiiwaangelinin qof sheeganaya in uu qasab ku yimid, iyadoo si dhab ah loo ilaalinaya xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambayn Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ku dhiirigeliyey in si xor ah isu diiwaangeliyaan si ay u dhiibtaan codkooda oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.
Muwaadin ballanteenu waa isdiiwaangeli oo codkaaga ku ciilbax.
… Dhammaad…
Waxii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Omar Mohamed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha
E-mail: communications@niebc.gov.so
Facebook- Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka
X-@NIEBCSOMALIA


