Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya oo booqasho ku yimid xarunta GMDQS….

introvertmustafa
2 Min Read

Muqdisho, 23 Oktoobar 2025: Xarunta dhexe ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) waxaa maanta booqasho ku yimid Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya, Ambassador Mohamed Bomba M. Bomba.

Safiirka waxaa xarunta dhexe ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Guddiga oo uu horkacayay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Howlgalka Doorashooyinka, Komishiner Maxamed Amiin Aaloow, oo ay wehlinayeen Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Komishiner Farxiya Maxamed Yuusuf, iyo Komishiner Cabdishakuur Abiib Hayir.

Intii uu socday kulanka, Safiirka ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha u qabsoomay Guddiga, qorshayaasha mustaqbalka dhow, qabashada doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyo hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda dowlad-goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Safiirka ayaa loo sameeyay kormeer indha-indheyn ah oo uu ku tagay qaybo muhiim ah oo ka mid ah xarunta, sida:

• Qeybta Saadka iyo Qalabka Doorashada.

• Xarunta Tababarka Shaqaalaha.

• Qeybta Daabacaadda Kaararka Codbixinta, iyo

• Xarunta Kaydinta Xogta ee Data Center-ka.

Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya, Ambassador Mohamed Bomba M. Bomba, ayaa si diirran ugu mahadceliyay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, soo dhaweynta iyo fursadda uu u helay inuu kormeero shaqooyinka muhiimka ah ee ka socda xarunta.

Safiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha waaweyn ee Guddigu gaaray muddadii koobnayd ee uu jiray, isagoo si gaar ah u xusay in muddo 56 sano ah kadib uu Guddigu suurtageliyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha Soomaaliyeed — tallaabo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo rajo cusub u horseedaysa mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Safiirka OIC ayaa ballan qaaday in Ururka Iskaashiga Islaamka uu si dhow ula shaqeyn doono GMDQS, isagoo muujiyay sida ay OIC uga go’an tahay taageerida guud ahaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka hufan ee dalka.

— DHAMMAAD —

Xafiiska Xiriirka iyo Warfaafinta

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS).

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *