Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyey jadwalka dhamaystiran ee doorashooyinka Dowlad Goboleedyada dalka ee sannadkan 2026.
Go’aankan ayaa ku yimid iyadoo la tixgelinayo waajibaadka sharciga ah ee Guddiga, gaar ahaan Qodobka 56-aad ee Dastuurka JFS iyo xeerarka kale ee dhismaha guddiga iyo fulinta doorashooyinka qaranka.
| Dowlad Goboleedka | Hawsha Doorashada | Taariikhda |
| Koonfur Galbeed | Golaha Deegaanka, Wakiilada, & Hogaamiyaha | 10 – 23 May 2026 |
| Hirshabelle | Golaha Deegaanka, Wakiilada, & Hogaamiyaha | 20 June – 09 July 2026 |
| Galmudug | Golaha Deegaanka, Wakiilada, & Hogaamiyaha | 20 June – 09 July 2026 |
| Gobolka Banaadir | Golaha Caasimadda, Duqa & Kuxigeenadiisa | 30 July – 05 August 2026 |
| Waqoyi Bari | Golaha Deegaanka | 30 July 2026 |
| Gedo/Jubbaland | Golaha Deegaanka | 30 July 2026 |
GMDQS wuxuu caddeeyey dhowr qodob oo udub dhexaad u ah hufnaanta doorashada:
- Guddigu wuxuu soo saari doonaa habraacyo iyo tilmaamo farsamo oo faahfaahsan oo hagaya marxalad kasta oo doorashada ah.
- Waxaa la ballan qaaday xog wadaag joogto ah iyo wacyigelin la siinayo dhammaan daneeyayaasha iyadoo la adeegsanayo warbaahinta iyo kulamo tababar.
- Guddigu wuxuu adkeeyey muhiimadda daah furnaanta, dhex dhexaadnimada, iyo ilaalinta anshaxa doorashada si loo dhiso kalsoonida shacabka.
- Waxaa loogu baaqay ururrada siyaasadda, musharixiinta, iyo maamulada inay si buuxda ugu hoggaansamaan jadwalkan. Guddigu wuxuu ka digay in ku xad-gudubka jadwalka ay horseedi karto tallaabooyin sharci ah.