GMDQS oo Shaaciyey Jadwalka Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada 2026

dukandaran
2 Min Read
Screenshot

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyey jadwalka dhamaystiran ee doorashooyinka Dowlad Goboleedyada dalka ee sannadkan 2026.

Go’aankan ayaa ku yimid iyadoo la tixgelinayo waajibaadka sharciga ah ee Guddiga, gaar ahaan Qodobka 56-aad ee Dastuurka JFS iyo xeerarka kale ee dhismaha guddiga iyo fulinta doorashooyinka qaranka.

Dowlad GoboleedkaHawsha DoorashadaTaariikhda
Koonfur GalbeedGolaha Deegaanka, Wakiilada, & Hogaamiyaha10 – 23 May 2026
HirshabelleGolaha Deegaanka, Wakiilada, & Hogaamiyaha20 June – 09 July 2026
GalmudugGolaha Deegaanka, Wakiilada, & Hogaamiyaha20 June – 09 July 2026
Gobolka BanaadirGolaha Caasimadda, Duqa & Kuxigeenadiisa30 July – 05 August 2026
Waqoyi BariGolaha Deegaanka30 July 2026
Gedo/JubbalandGolaha Deegaanka30 July 2026

GMDQS wuxuu caddeeyey dhowr qodob oo udub dhexaad u ah hufnaanta doorashada:

  • Guddigu wuxuu soo saari doonaa habraacyo iyo tilmaamo farsamo oo faahfaahsan oo hagaya marxalad kasta oo doorashada ah.
  • Waxaa la ballan qaaday xog wadaag joogto ah iyo wacyigelin la siinayo dhammaan daneeyayaasha iyadoo la adeegsanayo warbaahinta iyo kulamo tababar.
  • Guddigu wuxuu adkeeyey muhiimadda daah furnaanta, dhex dhexaadnimada, iyo ilaalinta anshaxa doorashada si loo dhiso kalsoonida shacabka.
  • Waxaa loogu baaqay ururrada siyaasadda, musharixiinta, iyo maamulada inay si buuxda ugu hoggaansamaan jadwalkan. Guddigu wuxuu ka digay in ku xad-gudubka jadwalka ay horseedi karto tallaabooyin sharci ah.
Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *