Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu casuumay xubnaha Golaha Mustaqbalka kulan wada tashi ah oo qabsoomi doona 10-ka May 2026.
Casuumaddan ayaa timid ka dib kulamo iyo wada tashiyo is daba joog ah oo uu Madaxweynuhu muddooyinkii u dambeeyey la yeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihihiin siyaasiyiinta, madaxdii hore, iyo odayaasha dhaqanka.
Sida ku cad war-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada, kulankan wuxuu diiradda saari doonaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan:
- Geeddi socodka dowlad dhiska iyo arrimaha doorashooyinka.
- Xoojinta midnimada qaranka iyo ilaalinta madaxbannaanida dalka.
- Jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan ay lagama maarmaan tahay in lagu wada hadlo niyadsami, daah furnaan, iyo isu tanaasul, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo u adeegaya danta guud ee qaranka.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay xoojinta nidaam siyaasadeed oo ku dhisan is afgarad iyo wadajir, iyadoo la ilaalinayo dowladnimada iyo madaxbannaanida dalka.